Alshabab oo Habeenkii Xaley ku Dishey 12 Ruux Tuulo Ka Tirsan Mandheera

0
24

alshabaKooxaha Alshabab ayaa habeenimadii xaley waxaa ay weerar ku qaadeen tuulo ku dhow degmada mandheere oo lagu magacaabo Soko Mbuzi halkaasi oo la sheegey in ay ku dileen in ka badan 13 ruux ayagoo isla halkaasi ku dhaawacay 12 ruux.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa intooda badan ah shaqaale ka shaqeeyo goobaha dhagaxa laga jabiyo.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in dableyda weerarka soo qaaday ay rasaas ku fureen teendhooyin ay jiifeen shaqaalaha, iyagoo sidoo kalana bambaanooyin ku tuuray.

Kooxda weerarka ka dambeysay ayaa la sheegay in ay baxsadeen kadib kolkii ay ciidanka booliiska ay goobta gaareen, Alex Ole Nkoyo oo ka tirsan mas’uuliyiinta Mandheere ayaa sheegay in uu socda howlgal lagu baadi-goobayo maleeshiyada