Inaalilaahi Wa Inaa’ileyhi Raajicuun Gudoomiyhii Hore ee Degmada Afgooye oo Maanta Lagu Diley Afgooye

2
94

cabdulahi-ideeyInaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun gudoomiyihii hore ee degmada afgooye C/llahi Cabdi Axmed Idaale ayaa maanta barqadii lagu diley bartamaha degmada afgooye.

Dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye, waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo bistoolado wata waxaana ay ku toogteen meel ku dhaw Dukaan lagu magacaabo Shamsu Diin oo ku yaallo Magaalada Afgooye.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa gacanta ku soo dhigay rag dhalinyaro ah oo lagu tuhmay inay dilkaasi raad ku lahaayeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku waramaayo inuu arkaayay meydka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye oo laga qaadayo halka lagu dilay, waxaana la geeyay Xarunta Degmada Afgooye.,

Dilalkan qorsheysan ee lala beegsanaayo shacabka degmada afgooye ayaa maalmahan dambe aad usoo badanaya ayadoo ay magaalada ku sugan yihiin ciidamo aad u badan oo kasoo kala cararey degmooyinka ku dhow dhow degmada afgooye ayagoo ka soo cararey baqdin ay ka qabaan alshabab.

2 COMMENTS

  1. Allaha u Naxariisto Guddoomiye C/laahi iideey, waxaa kaloo xasuusinayaa Rèèr Afgooye in Ariga Weer kujiro, waxa Geledi Kaliyah loo leeynaayo mafahmin, Laba isbuuc lagama Joogo markii C/laahi walaalkiis ladiley Aadam Cabdi Axmed, waxaan is leeyahay isreebreeb kale ayaa lagu hayyaa Rèèr Geledi ee Allaha amaansado, waxaaba laga yaabaa in markii qof ladilo meesha laga qabto mid Caseeye ah oo kabaha Baalisha… Lana yiraahdo isagaa diley… Allow na ana
    Amaanso aamiin

  2. Inaa lilaahi WA inaa ileeyhi raahicuun ilaah ha unaxariisto gudoomiyihii hire EE dakmada afgooye EE gobolka ahabeelaha hoose ehelkii iyo qaraabadii uuka geeriyoodayna sawar iyo iimaan ilaah haka siiyo shacabka dakmada afgooye oomaal mihii ugu danbeeyay Ku soo batay dilka qor sheeysan waxaana fuliya ciidamada beelaha hawiye oo aad ugu soo batay dakmada ayagoo iska dhigaayo al shabaab maamulka Shariif sakiin waxaan ugu baaqayaa in uu kasaaro ciidima beeleedka oojooga dakmada hadiika le nawad lagamahelaayo maalin walbana MAs uul baa ladili doonaa

Comments are closed.