Xaalada Degmada Wanleweyn oo Maanta Degan

0
98

daafeet1-Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa lasoo sheegayaa in xaaladdeedu ay saaka deggen tahay, kaddib weerar xoogan oo ay Al-shabaab xalay ku qaadday degmadaas.

Wararka laga helayo degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in xalay uu gudaha degmada dagaal ku dhex-maray maleeshiyaad xiran dareyska dowlada iyo xoogaggii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday, balse lama oga khasaraha ka dhaashay.

Guddoomiyaha Wanlaweyn, Isaaq Maamow Caliyow ayaa xaqiijiyey in xalay ay Al-shabaab gudaha u soo galeen qaybo ka mid ah degmada, ayna saacado kaddib ka baxeen degmada.

Sidoo kale, Goob joogayaal ku sugan degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in xalay ay Al-shabaab dadka degmada kula hadleen Masjidyada, xilligii lagu jiray Salaadda Taraawiixda, kaddibna isaga baxay degmada.