Xoogaga Ahlusuna oo La Wareegey Deegaano Hor Leh

0
35

ahlusunaXoogaga Ahlusunna Waljameeca oo Maalin ka hor la Wareegay Magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa billaabay inay isku fidiyaan deegaanno ka tirsan Gobolkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagga Ahlu-sunna oo ku Hubeysan Gaadiidka Dagaalka ay la wareegeen Deegaannada Xanan-buuro iyo Mareer-gur oo ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo la sheegay inay jiraan isku-dhacyo kooban oo Dhex-maray iyaga iyo Ciidammo ka Tirsan kuwa Dowladda Somalia.

Deegaanka Mareer-gur oo ay Ciidamada Dowladda Somalia ku lahaayeen fariismo Ciidan ayaa la sheegay inuu ka dhacay iska-horimaad muddo kooban socday oo Xoogagga Ahlu-sunna iyo Ciidamada Dowladda u dhexeeyay, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Warar laga helay shacabka ku nool deegaankaas ayaa sheegaya in Xoogaggii Ahlusunna ay la wareegeen deegaankaas oo noqonaya kii labaad oo ay Ahlusunna kala wareegto maanta Ciidamada Dowladda Somalia.

Afhayeenka Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa Sheegay in Qorshahoodu yahay in ay Sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegaan deegaanno kale oo ka tirsan Galguduud, isla markaana ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.