Nicholas Kay oo Ka Hadley Qabsashada Magalada Dhuusa Mareeb

0
32

Nicholas_Kay_UN_EnvoyErgayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay xaaladda gobolka Galguduud gaar ahaan tallaabadii ay kooxda taabacsan ahlusuna kula wareegeen degmada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta maamulka gobolka Galguduud.

Sidoo kale ergayga ayaa ugu baaqay kooxda qabsatay Dhuusamareeb inay ka baxaan degmada isla markaana wada-hadal lagu xalliyo waxyaabaha jira.

“Waxaan ku boorrinayaa xoogagga ahlusuna inay ka laabtaan(Dhuusamareeb) oo ay u baxaan goobihii ay horay ugu sugnaayeen. Dhammaan kala duwanaanshahana lagu xalliyo wada-hadal iyo isu-tanaasul” ayuu yiri.

Ergayga ayaa tilmaamay in tallaabada noocaan oo kale ah ay wax u dhimi karaan horumarrada gobollada dhexe loogu sameynayo maamulka iyo shirk aka soconaya Cadaado.