Qaybta Shabeelaha hoose Maxaa Muran Dhaxkeenay?!

7
172

eedGuud ahaan awood qaybsiga ku aadan xubnaha Baarlamaanka Maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya ayaa waxa uu haatan u muuqdaa mid lasoo gabagabeeyay isla markaana laysku afgartay xeer jajab dhamaan dhinacyaduna ay kuwada qanceen.

Xeer jajabkan ay dhaqanka beelaha maguurtada ee reer KoonfurGalbeed ay ku heshiiyeen ayaa waxaa saldhig u ah Sedexda gobol ee maamulka haatan uu ka kooban yahay oo lagu daray hanaan awood qaybsi ku salaysan Beelaha wada dega guud ahaan goboladan.

Hagaag…Hadaba Guuxa oo la dhacsanaa arinkan ay sameeyeen Golaha Dhaqanka Maguurtada ah ee reer KoonfurGalbeed ayaa waxaa hadana jira in guux badani uu kasoo yeerayay reer Shabeelaha hoose iyadoo inta badan Guuxa kasoo yeerayo uu salka ku hayo waxa warka geliyay qaybta reer Shabeelaha hoose.

Waa arin wanaagsan oo loo fisho inay tahay guul usoo hoyatay dhamaan reer KoonfurGalbeed mahadeedana ALLAH kasokow looga abaal hayn doona madaxda dhaqankeena balse guushaasi waxaa haatan duulaan ku ah Shariif Sakiin Madaxa maamulka musuqa ee Baydhabo fadhiya.

Kadib go’aankan taariikhi ah ee ay Madaxda Dhaqanka KoonfurGalbeed gaareen ka dib ayaa sidii la filan karey waxaa qaybtii gobolka Shabeelaha hoose ku qabsaday Odayaashii dhaqanka Fircoonka reer KoonfurGalbeed ee maanta Xasan Aadan kaasi oo shir uu la qaatay beelaha Digil ku weydiistay in isaga siiyaan 10 Xubnood ka mid ah 36da xubnood ee gobolka Shabeelaha hoose loo qoondeeyay si uu ugu qanciyo beelaha uu dulaalka u yahay ee Hawiye oo ay ugu horeeyaan Habargidir,Abgaal,Marusade iyo Xawaadle sidaa si lamid ahna waxa uu kulankale uu la qaatay beesha BiyoMaal kaga codsaday codsigan reer Digil uu hordhigay oo kale balse labada beelood iyo dhaqankooda oo isku duuban ayaa waxay kawada qaateen isku mowqif maadaama ay isku doon saaran yihiin waxaana markii ugu horeysay ay Fircoon ku yiraahdeen maya oo maya mana yeelayno Habargidir,Abgaal,Marusade iyo Xawaadle halka Madax dhaqameedka labadan beelood ee reer Shabeelaha hoose ay kulan la qaateen dhigooda Dhaqanka reer Baay iyo Bakool ugana warameen waxa uu lasoo shirtagay Fircoon Xasan Aadan kadibna waxaa laysla gartay in Fircoonka meel looga soo wada jeesto lagana diido fikirkiisa dulaalnimada ku salaysan.

Fircoon Xasan Aadan oo inaba aan horay looga baran inuu u shaqeeyo ummaddiisa ayaa waxaa hadana jira in diidmada reer Shabeelaha hoose aanu si sahlan ku qaadan doonin isla markaana uu sameyn doono wax walba oo u suura gelin karo inuu reer Shabeelaha hoose uu ku dulfuliyo hawlihiisa dulaalnimo balse dhanka kale waxaa hubaal ah in kuwii yiri maya ay yihiin kuwii ummaddan u sareeyay oo “Madax meel ka sareysa oo la salaaxo maleh”iyagaana mudan in kalsooni laga siisto fikirkan Fircoon lasoo shirtagay!.

Mowqifkan Midaysan iyo Mayadan adag ee ay kala horyimaadeen Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxaa looga baahan yahay Maguurtada reer Shabeelaha hoose inay ku daraan cadaalad wax qaybineed oo ku aadan dadka wada dega gobolkooda ayuu yiri nin dhalin yaro ahaa oo isaga si uun wax u saluugayay misna filanwaa ku ahayd mowqifka Maguurtada.

Nin isna qayb ka ahaa fadhiga ayaa dib u weydiiyay oo yiri hadii Adiga qaybi lagu dhihi lahaa sidee ayaad u qaybin lahayd? Inta uu sare joogsaday ayaa waxa uu yiri Cadaalad,Cadaalad iyo Sinaan walaalnimo ayaan u qaybin lahaa oo Gibil cad(Marka iyo Baraawe)oo min hal kursi ah,Wacdaan,Shiikhaal,Iroow iyo Hintire oo min hal kursi ah, Duubane,Geledi,Gare iyo Begedi oo min sedex kursi ah,Jiido,Tuni iyo Shanta Caleen oo min Afar kursi ah iyo Lixda soo hartay oo BiyoMaal ah ka waran ayuu u celiyay oday ka mid ahaa Ciroolaha meesha wax ka joogay?
Ciroolihii inta uu warka qaataa yiri warkaan waa mid aniga ila fiican Laakiin Shariif waa hubaa in aanu warkaan mareyn oo inta ay shaxdani ka maqan yihiin beelaha uu usoo shaqo tagay ee Habargidir,Abgaal,Marusade iyo Xawaadle.

Shariif,Shariif Sakiin, Fircoon ii Xasan Aadan walwalboo ertaan usi usigiileeywa marka doolee in haaytanaa usku reeba! ayay warka ku koobtay gabar ka mid ahayd adeegayaasha goobta oo runtii hadalka socdau ula muuqday in goobta looga kala tagi doono.

Habargidir,Abgaal,Marusade iyo Xawaadle iyagoo USC isku ah ayay tageen oo ay qabsadeen dhamaan gobolada Koonfureed iyo Bartamaha oo isku ahaa Kow iyo Toban gobol ku dhowaad Rubac Qarni kadibna maanta waxa ay joogaan deegaanadooda oo kolka laysku soo ururiyo qiyaas ahaan ah ilaa ugu badnaan Sedex gobol iyo qayb ka mid ah labada gobol ee Banaadir iyo Shabeelaha hoose oo weli si naf lacaarinimo ku jooga kol hadii Lix ka mid ah goboladii ay horey ugu habsadeen(Baay,Bakool,Gedo,Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Waqooyiga Galgaduud iyo Mudug) ayan maanta waxba ku lahayn Sow Su’aal taagan ma ahan waxa ay wax ugu yeeshaan Shabeelaha hoose?

Mise xaalku waa Ku qabso una kaasho Shariif ku qadimayside!! ee waa markale iyo Su’aale Qaybta Shabeelaha hoose Maxaa Muran Dhaxkeenay?!

Waxaa Qorey Abdiaziz ShSalah

Waa inoo Talaadada Danbe hadii ALLAH laga helo.

7 COMMENTS

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Walaalayaal,suldaanadeena aan jecelnahay ee u dhashey Shabeelaha hoose”waari meysaan war ha idinka haro”ee u danqada dalka,dadka iyo jiilka danbe ee imaan doono sharaftooda iyo karaamadooda.

  2. Shariif xassan waxoo u baahanyahay wax runta u sheego Sababtoo ah asigaba Raxweyn macah ee waa ashraaf lakiin waxa meesha ku sharfey waa Raxweyn. Marka xigta raxweynta waa in ay runta u dheega an shariif xassan adiga Iyo tuugadaad Isla aada galgadood dhuusmareeb jowhar. Raxweynta waxaa looga baahanyahay in sharaftooda soo eshataan.

  3. Hadii runta loo hadlo Haweyo waxba ku malaha kgalbeed. Raxweyn ma iloobeen geeridee baydhabo oo afka qalaad lago yeraahdo death city baydhabo taasoo u sabab ahaa Haweyo AMA habargidir.

  4. Been ayaad isku sheegeysaan marka aad dheheysaan Biimaal 6 kursi Digilna aad u kala qeybineysaa 6 jilib/lafood midkastana aad 6 siineysin, miyaadan ogeyn in biimaal uu ukala baxo in kabadan 6 jilib/lafood. Mise waxaad moodeen biimaal in uu yahay laf/jilib Digil katirsan. Ogaada dhul ninkii u dhinta iska leh. Waxaan olajeeda saamiga ugu badan ee sh/hoose biimaal ayaa iskaleh ileen isagaa u dhintay una dhaawacmaye.

  5. waxan layaabaa umadan kumeysiga raali Ku ah Aanan garan Karin xuriyadu qiimaha ay leedayay iyo kala dambeentu waxay tahay waa IGA su’Aale anagu maxaa nabadey in ay nagumeystaan qabiil anaga naga fulaysan ama naga liita ? OK qodobka labaad inagu dhulkeenu maxay tuugada dhulboobka ah tusey ma anaga saqaal bilood hooyo nagu dhalin waa yaabe? qodoka seddaxaad madax deenu maxa Ku kalifey in dhaba dhilif unuqdaan dad caadeystey tuuganimo iyo bucad dhulboob ah dibadana ka mamnuucey? OK sakiin ma aha madahweyne lkn dhul gooye misna ah Aado qaate sharbadan ugu dambeen waxan leeyehay umada k g somaliya mar hadii ladhiso baarlamaanka k g shariif sakiin iska tuura kadibna doorta nin muwaadin ah oo layaqaano isna uu yaqaano dadkiisa iyo dhulkiisa waxa udan ah wblh twfq

  6. aniga fakaryga waxa waaye in ladagaalamo kursi iyo jago waxaa kahoreeya in raga latusiyo awooda reer shabeeladda hoose ay leeyihiin Kadib ayay Harayaan Xulafada Sakiin iyo kooxda Dhul Boobka, waxaa jira Raxaweyntii inay ilawday dhibkii loo gaystay ayagana ay kasoo midnoqdeenin shabeelada Hoose ay isla cunaan ayaga iyo Hawiyaha Duulaanka ku ah Shabeelada Hoose marka dagaal lama Huraan tuugmo iyo Hadal waxba kaama Celiso ee hala Dagaalamo reer Shabeelada Hoose.

    • su’al ban weydin laha qoraaga: qoraal xagjir ah ayad moodaa iyo fikirkaaga intaba, mida kale shariif iyo hawiye hadal iyo warar aflagaado oo website lagu qoro waxba loogama qaadi karo ee hadad raganimo isku ogtahay 50 askari oo reerkaaga ah mahaysaa waa adigan ku haya shanta calemod afar kursi hala siiyo, IWM. Tan xigta Ninka biyomaal u doodaayo waxan la yaabanahay tira badnida biimaal uu ku raadinaayo in uu lamid noqdo beel ahan digil, waredhe qabiil digil ka badan gobolku wuu daganyahay oo tiro muuqata ku leh gobolka mana sheegtaan, ee waxaan leeyahay riyada beenta aad ku jirtaan ka toosa oo si dhab ah u tashada oo fikir macquul ah oo umada wax loogu qabanaayo ka dooda, qabyaaladana iska dhaafa, cadaalad iyo daris wanaag hala muujiyo. macasalaamo.

Comments are closed.