Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada oo Shaqo U Jooga Dalka Ivory Cost

0
39

ku xigeenka maliyadaWasiir ku xigeenka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamuud Xayir ayaa magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast uga Qayb-galay Shirkii Sannad lahaa ee Banigiga Hormarinta Afrika.

Shirkaana yaa ka duwanaa shirarkii hore, waxaana sanadkaan uu ku soo beegamay Sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegatay asaaskii Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa xusay in doorashadan ay muhiimad gaar ah u lahayd habsami u socodka shaqada adag oo uu hayo Banigu Qaarada Afrika iyo dalalka kale oo xubnaha ka ah, kuwaasoo gaaraya ilaa 8-dal oo kaso kala jeeda Qaaradda Afrika iyo Adduunka intiisa kale.

Waftiga Soomaaliya uga Qayb-galay Shirkaas ayaa xooga saaray sidii loo heli lahaa dalka hormuuud ka noqada cafinta deeynta lagu leeyahay Somalia oo hada meel fiican maraysa.