Guuxa Dadweynaha”Shariif Ma Badbaadiyay Mise waa Bixiyay Shabeelaha hoose?”

8
37

hyInkasta oo Guuxa ka soo yeeraya Shacabka KoonfurGalbeed gaar ahaan kuwa degan gobolka Shabeelaha hoose aan lagu koobi karin qoraal hadana waa hubaal in waxbadan oo Guuxa Shacabkaas qabo lasoo bandhigi karo,Anagoo taasi ka duulayna ayaa waxaan maanta doorbidnay inaan soo bandhigno guuxa ku aadan Taageeristii Sedexda gobol iyo sababaha ka danbeeyay.

In badan oo ka mid ah Madaxdii iyo taageerayaashii maamulkii KoonfurGalbeed 6 gobol ee Madaxweyne Nuunoow ayaa waxay mar danbe ku qanceen inay taageeraan maamulkii KoonfurGalbeed 3 gobol ee Shariif in badan oo ka mid ah dadkaasi kolka aad weydiiso su’aasha ku saabsan waxay kolkii hore ay u taageereen lix gobol kadibna ay ugu laabteen misna ay u taageereen mar kale sedex gobol ayaa waxay jawaab kaaga dhigayaan sidan:

1-Shariif Dowlada ayuu aqoonsi ka watay oo isaga ma ahee cid kale looma ogolayn in halkaasi Maamulka kasoo bixi doona uu Madaxweyne ka noqdo oo micaha waxa uu ahaa”Doorane la doonayay in shacabkaa doortay layiraahdo”.

2-Maamulka Juba waa la aqoonsaday oo beesha caalamka iyo Dowlada Soomaaliyaa wata oo Xaqeena xagaa jira waa helaynaa shaki la’aan.

3-Shariif waxa uu soo celinaayaa Shabeelaha hoose.

Hadaba jawaabihii ay bixinayeen taageerayaasha kolba meel u guurka ahaa ayaa waxaa dul istaagay Guuxa.

1-Shariif Dowlada ayuu aqoonsi ka watay. Waa iga su’aale aqoonsigii dowlada ee Shariif maxuu ahaa muxuuna inoo soo kordhiyay hadaan nahay dadka magacooda la isticmaalay ee KoonfurGalbeed ayuu Guuxa isweydiiyay?

Ma filaayo inuu jiro ruux sheegi kara hal shay oo hurumar lagu tilmaami karo ee uu goboladan sedexda ah u qabtay Shariif mudii lixda bilood ahayd ee uu maamulkiisu jiray balse waxaan sheegi karnaa Daraasiin dib u dhac ah oo uu dadka iyo dalka KoonfurGalbeedba u keenay mudadii maamulkiisu shaqaynayay sidaa oo ay tahay ayaa waxaa hadana hubaal ah in Dowlada la sheegaayo maanta ayan cidina qasbi karin sida hadaba ka jirta gobolada dhexe,Puntland iyo Boobland balse xaalku ahaa “Doorane la doonayay in shacabkaa doortay layiraahdo”kaasi oo aan weliba cidina ogayn sababta dabataal oo ay dowladu u wadatay Shariif marka laga reebo kala goynta reer KoonfurGalbeed waxaa kaloo jiray heshiisyo qarsoodi ahaa oo uu ummadda KoonfurGalbeed uu ku beeciyay kuna gatay.

2-Maamulka Juba waa la aqoonsaday.

Aqoonsiga maamulka Juba sida aan ka wada dheregsanahay ma ahayn aqoonsi sharci ku yimid ee waxa uu ahaa ilaa iyo maantana yahay mid lagu wado indhacadays iyo Hobala hidooy taasi oo sida muuqata Shariifna uu qayb ka yahay ilaa iyo maanta. Shariif shalay wuxuu lahaa maamulka Jubaland waxaan wada dhiganay heshiis maantana waxa uu leeyahay halagu banaan baxo yaabnaye yaa u howl la’ Shariif mise waxa uu xaalku mooday “Iyeey Dhumeey uuw i er”.

3-Shariif waxa uu soo celinaayaa Shabeelaha hoose.

Shabeelaha hoose, Shabeelaha hoose Shariif waa soo celinaayaa waa mid dad badan oo riyo maalmeed ku jiray misna aan fahamsanayn waxa ka jira Shabeelaha hoose ay goobaha lagu Shaaho,Fadhi ku diriryada iyo weliba Idaacadaha iyo Webabka beelaha ay maalin walba kaga hadaaqi jireen halku dhigoodii caanbaxay ee Shabeelaha hoose Anagaa soo celinayno.

Waa iga su’aale maanta maxay ka hayaan Shabeelaha hoose kooxdii Riyo Maalmeedka iyo Madaxweynahooda Sakiin?
Cidina maanta daah kama saarna oo ma mooga inuu Shariif maalin walba uu Wareegto uu xil ku magacaabayo uu soo saarayo iyadoo inta badan Wareegtooyinkiisuna ay ku wajahan yihiin gobolka Shabeelaha hoose uuna ku magacaabayo dad kasoo jeeda Beelaha Hawiye haba u badnaadaane kuwa ugu tunka weyn ee Habar Gidir,Abgaal iyo Murusade.
Mar kale waa iga Su’aale magacaabista uu Shariif usoo magacaabaayo shaqsiyaad kasoo jeeda beelahaasi gobolka Shabeelaha hoose ma sharci baa? Ma badbaadin baa mise waa Baylaxin falka Shariif ee ku aadan gobolka Shabeelaha hoose?

Jawaabtu waa ay iska cadahay oo waa maya sababna waxaa inooga filan deegaanba kuma laha gobolka Shabeelaha hoose beelahaan taariikh hore iyo mid danbe toona.

Wareegtooyinka Xilalka lagu magacaabay ee kasoo baxay Xafiiska Shariif mudadii lixda bilood ahayd ee uu shaqaynaayay ayaa waxay tiradoodu tahay 54 wareegto sida ku cad sumada wareegtadiisa ugu danbeysay,Gobolada sedexda ahna waxay ka khuseeyay wareegtooyinkaas 24 wareegto 18 ka mid ah waxaa xilal loogu magacaabay gobolka Shabeelaha hoose halka lixda hartayna ay nasiib u heleen gobolada Baay iyo Bakool.

Sideed iyo tobanka wareegto ee kasoo baxaday Xafiiska Shariif ee xilalka loogu magacaabay gobolka Shabeelaha hoose ayaa 14 ka mid ah waxaa xilal kala gedisan loogu magacaabay shaqsiyaad ka soo jeeda beelaha Abgaal,Habargidir iyo Murusade halka 4 soo hartayna 3 ay Biyomaal nasiib u yeesheen iyadoo halka soo harayna lagu magacaabay xubin kasoo jeeda beesha Duubane.

Talaabadan uu qaaday Shariif ayaa waxaa dhinac socda cusboonaysiin iyo mudo dheeraysi uu u sameeyay guud ahaa maamulkii gobolka Shabeelaha hoose oo asal ahaanba ka dhashay maamulkii mooryaanta reer Kirkire ee uu hogaanka u hayay Kirkire Yuusuf Indhacade.

Kol hadii wareegtooyinkan iyo xilalka dhinac socda ay sidan isaga daba dhacayaan ma waanan oran karin Shabeelaha hoose waa markale iyo maamul Kirkire!.

Si kasta oo uu Guuxu cod dheer iyo mid hooseba uu ku sheegay xaalka dulaalnimo ee Shariif ayaa waxaa hadana weli cad in Dulaal Shariif uu haysto Dulaalo dulmi ku nool ah oo aan yareyn halka Shacabka KoonfurGalbeed intiisa badana ayba ka aanmuseen arimaha Shariif iyagoo quus ka jooga waxa dhacaya.

Balse shacabka iyo Guuxiisa sina uma aamusi doonaan!

Waxaa Qoray Abdiaziz ShSalah
Waa inoo Talaadada Danbe hadii Rabi laga helo.

8 COMMENTS

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    G/Sh/hoose kama badbaadi doono doqon kibir ku faanaa iyo burcada hawiye midna balse wuxuu leeyahay rag iyo rabi waxa hada ay kala kulmeen geesiyaasha xaq u dirirka,xuriyad doonka ah haka cibrad qaataan doqonta iyo burcada soo duushey.

  2. walalow adigo Raali ah 25 sano xage ku jidhey oo hata koyey keerowa la iere miyaa yaab.com adi mano haysa talo iyo tusale midka ka wanagsan sida awged meshu waxay ubaahantahay maskax iyo dadaal

  3. bulshayaheey Illaah xagiina ha idin siyo dulmiga iyo dhibaatada illaah ha idinkadaaro shariif sakiinna wiligiina ha Aaminin waa nin liiitaaa misna daba dhilif ah marna ma Aaminsin dadkiisa iyo dalkiisa isaga oo ah libaaax ah ayuu isliitey wuxu hoosweraagaa dawaco iyo bakeyle waa yaab libaax dawaco hoosgaley

  4. war waad hurdeysan hurdada ka kaca. raxweyn qof kale oo karti leh maheystaan oo siyaasada maanta jirta boos weyn ka ciyaari kara. shariif xasan sheikh aadan waa nin caqli leh oo damacsan inuu mustaqbalka magaca reer bay iyo bakool iyo sh/hoose taariikhda ku qoro taariikhda somalia.

  5. Asc walalaha sharafti lee EE KGS melkasto ad jogtan waxan haynaa fikir an is leenahay bulshida KGS way Ku bad badi karan hadi an is kashino ilaha wax bad badiyee intii an Ku mash qulsinan laheen sakina san nayelay iyo jawari aya san nogalay misa oday wax migarad ah waxan Ku bagaynaa in an ki tashino tanaheeni hada nahay dhalin yarti KG SI an u bad badino ilaha wax bad badiye sharafti shacabki masakinta ah EE lagu tuminaayo malinba malinta xigto lagula kacaayo arin foolxun oo Islam nimmada kifog EE hadiba qofki dhabkutahay see u helba is bedeel Hanala soxiroiri SI an u Kala fikir qadino waxi u hayani an udhegeysino Tek 004571829253 misa tel 004527828923 wad mahadaintihiin

Comments are closed.