Maamulka iyo Sgacabka Somaliland oo Maanta U Dabaal Degey Xuskii 18 May

0
31

18 mayWaxaa Gobollada iyo Degmooyinka Saakay Waaberigii looga dareeray xuska munaasibadda 18-ka May oo ku beegan maalintii Somaliland ka go’day soomaaliya inteedda kale, isla markaana ay ka noqotay midnimaddii ay lixdankii la gashay Soomaaliya.

Magaladda Hargeysa ayaa munaasibaddii ugu balaadhnayd lagu qabtay, waxaana gaaddo ka ciyaar ku marayey jidka madaxtooyadda hor mara, ciidamada kala duwan oo iskugu jira, Ciidanka Booliska, Militariga, Badda iyo laanta socdaalka, sidoo kale, waxa ku wehelinayey ardayda jaamacadaha, degmooyinka magaaladda ka kooban tahay iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo oo ay garab taagnaayeen taliyeyaasha ciidamadda iyo shirgudoonka goleyaasha Qaranka ayaa daawanayey dhoolatuska shacabka iyo Ciidanka kala duwan ku soo bandhigayaan hortoodda.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa khudbadiisa ku soo qaatay qodobadda kala duwan oo ay mid yihiin muddo kordhinta, faro gelinta ay ku eedeeyeen beesha caalamka iyo wada hadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeyey.

Madaxweynaha Siilaanyo oo ka hadlaya sida u arko mudo kordhinta iyo diidmada xisbiyada mucaaradku wuxuu yiri. “Waxaan xoog badan saaray in doorashooyinku ku dhacaan xilligii loo asteeyay, mana jiro waxaanu hagranay aniga iyo Maamulkaygu toona. Kuma faraxsani in doorashadu dib u dhacdo, mana jecli hore iyo hadda toona turun turooyinka ku yimaada hanaanka dimuqraadiyadda”.

Madaxeyne Siilaanyo fariin u diray wakiiladda beesha caalamka oo u sheegay inay qaar ka mid ah welwel ka qaban khilaafyadda ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka, waxaanu sheegay in khilaafyadda soo mara Somaliland dhexdoodda xalistaan, isla markaana aanay u baahnayn farogalin caalami ah.