Dhegeyso:- Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo Xaley u Waramey Golaha Dimoqradiyada iyo Midnimada Koonfur Galbeed

1
28

suldaan buubeGudoomiyaha golaha dhaqanka Koonfur Galbeed Suldaan Buube Cabdulle Buube oo Xaley u marti u ahaa golaha dimoqradiyada iyo midnimada koonfur galbeed ayaa waxaa uu sheegey in haatan koonfur galbeeed ay mareyso xaalad xasaasi ah isla markaana loo baahan yahay in dhamaan umada koonfur galbeed ayagoon u kala harin loo baahan iney u istaagaan samata bixinta umadooda.

Golaha dimoqradiyada iyo midnimada koonfur galaabed ayaa ah gole u istaagey inuu isku xiro jaaliyadaha dibada iyo masuuliyiinta koonfur galbeed barnaamijyadiisana waxaa ay noqon doonaan kuwo joogto ah ayadoo sidoo kale qof kastoo kasoo jeeda koonfur galbeed ay u furan tahay inuu kasoo qeyb galo kulamada masuuliyiinta koonfur galbeed kaga xog waramayaan wadciga dalka uu ku sugan yahay.

wareysi suldaan buube

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

wareysi suldaan buube

 

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Buuwe abdule:dib u eeg taariikhda,1943 dii kulubey mafadaano tiititaayn niinka wasaqeyteen,2014 kii lex gobol mafadaano sedi halnisiyoy,isla bishan 16 may,2015.Xasanow eedin dad aan u dhalan ayuu u magacabey G.Sh.hoose,hadana waxaad leedahay Digilmirifle meel xasaasi ah ayuu marayaa ha loo istaago sidii loo badbaadin lahaa,loona mideyn lahaa,waa yaabka yaabkiisa wiirowiiro wax qarineyso!!!/???

Comments are closed.