Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo Sheegey Xiliga uu Furmaayo Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe

0
30

Xildhibaan-Daahir-Amiin-Jeesow-Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa sheegay waqtiga la filaayo inuu furmo shirka Maamul u Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in qorshaha shirka uu socdo, islamarkaana bisha soo socota la rajeynaayo inuu furmo shirkaasi, isaga oo tilmaamay in weli aan la isku afgaran halka rasmi ahaan shirka uu ka furmanaayo.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda ay kala hadleen waqtiga lasoo xulaayo Baarlamaanka Maamulka KOonfur Galbeed.

Gobolada dalka waxaa ka socda dhismaha Hirgelinta Hanaanka Federaalka oo Dowladda dhexe ay qaadatay, xilli ay jiraan caqabado kala duwan oo ka imaanaya Barnaamijka Federaalka.