Aqriso Magacyada Gudiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha oo Maanta La Ansixiyey

0
51

golaha wasiradaShirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee maanta waxaa shir guddoominayey R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta waxaana looga dooday guddiyo ay soo gudbiyeen wasaaradaha kala ah Cadaaladda iyo Arrimaha gudaha iyo Federaalka, kuwaas oo dood dheer kadib la ansixiyey.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu ka akhiryey, magacyada guddiga adeegga Garsoorka ee ay golaha wasiirrada cod akhlabiyad leh ku ansixiyeen.

1- Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka

2- Dr Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha Qaranka

3- Abuukaate Maryan Xaaji Cilmi Ibraahim, ururka Garyaqaannada Soomaaliyeed,

4- Shariif Sheekh Unnaa Mayee, Bulshada Rayidka Abuukaate

5- Prof” Ciise Axmed Warsame, ururka garyaqaannada Soomaaliyeed,

6- Axmed Cabdullaahi Xuseen Bulshada Rayidka

7- Sheekh Cismaan Ibraahim Axmed.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa isagana ka hadlay guddiyada kala ah Doorashooyinka Qaranka iyo Xudduudaha iyo Federaalka , waxaana magacyada guddiga Doorashooyinka Qaranka akhrinaya wasiirka Arrimaha Guduha Soomaaliya.

“Waxaa suuragashay in golaha wasiirrada isku raaco, sagaal qofood ee guddiga Xuduudaha iyo Sagaalka qofoodka ee guddiga Doorashooyinka, waxaan rabaa inaa halkaan ka akhriyo magacyada guddiga doorashooyinka,

1- Saciid Xaashi Warsame

2- Maxamed Xasan Taani

3- Xuseen Cabdi Aadan

4- Saciid Cali Sheekh Maxamed

5- Ing Maxamed Axmed Nuur ( Borow )

6- Caraxmaan Cusmaan Dirir

7- Maxamed Daahir Maxamuud

8- Xaliimo Ismaaciil Cali

9- Khadiijo Cosoble Cali

Dhan kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, ayaa akhriyey magacyada sagaalka xubnood ee guddiga Xudduudaha iyo Federaalka ee ay golaha wasiirrada Soomaaliya Ansixiyeen.

1- Muuse Garad Cabdullaahi

2- Liibaan Cali Sahal

3- Maxamed Muxuddiin Sheekh Mursal

4- Dr Cabullaahi Gacal Cabdi

5- Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim

6- Saciido Xasan Cusmaan

7- Xuseen Xaashi Xasan

8- Cabdi Khaaliq Cabdullaahi Xamsa

9- Khaliif C/kariim Maxamed

Guddiyadan saddex ah ee kala ah doorashooyinka Qaranka, Adeegga Garsoorka, iyo Xudduudaha iyo Federaalka waa guddiga Destuuri ah, kuwaas oo dalka gaarsiinaya nidaam Cadaalad maamul dhisan oo suuban iyo doorashooyin Dimoqoraaddi ah xor ah in ay ka dhacaan dalka sanadka 2016-ka.