Amaanka Magaalada Baydhaba oo Noqday Tusbax Furtay Iyo Wasaarada Amniga oo Ku Fashilantay Shaqadeeda

1
27

baydhabooTan iyo intii Baydhaba looga dhawaaqay Maamulka Seddaxda Gobol ee uu hogaamiyaha ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa Magaalada ka dhacaya Dilal qorsheysan oo loo geysanayo dad Shacab ah.

Habeen hore ayay aheyd markii Wariye Daa’uud Cali Cumar oo ka hawlgalayay Idaacadda Baydhaba, Xaaskiisii iyo Nin isaguna kamid ahaa dadka Magaalada lagu dilay hoygooda waxaana kasii horeeyay dilal loo geystay dad isugu jiray Malaaqyo iyo Culumaa’udiin.

Hadaba hadalhaynta ugu badan ee reer Baydhaba Saqiir iyo Kabiir hadal hayaan waa Dilalka kusoo batay Magaalada iyo waxka qabasha la’aanta Maamulka Seddaxda Gobol gaar ahaan Laamaha Amniga uu Wasiirka ka yahay C/fitaax Ibraahim Geesay.

C/fitaax Ibraahim Geesay oo Dowlad Goboleedkii Koonfur Galbeed ee uu Gacantiisa ku burburiyay kasoo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ayaa Maamulka Shariif Xasan lagu soo koobay in uu noqdo Wasiirka Amniga oo kaliya, waxaana xog hoose oo Ishabaydhaba heshay sheegaysaa in wada shaqayn sax ah kala dhaxeyn laamaha ammaanka ee Magaalada Baydhaba.

Sidoo kale Wasiir Geesay ayaa xogta aan helnay sheegaysa in aan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn Madaxweynihiisa Shariif Xasan sidaa darteedna uu Amnigii Magaalada Baydhaba uu noqday Tusbax furtay.

Wada shaqeyn la’aanta Wasaarada Amniga iyo Laamaha Amaanka ayaa waxay xoojisay Dilalka micna darada ah ee Shacabka Baydhaba lagu hayo.

Inkastoo Wasiir C/fitaax Geesay loo arkaayo in uu ku fashilmay wax ka qabashada ammaanka Baydhaba, ayaa waxaa hadana jira dad badan oo aaminsan in mushkilada ay ka taagantahay Xaafadaha dilalka ka dhacaya oo aan ka jirin Ciidamo xiliga habeenkii ka howlgala.

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Baydhawa janaay:waxay leedahay”waraabe iyo libeeh marba sidoo ing ki weerow,mila wedaayow,wantey ninkii waraabe ing jeeyii,mila wedaaayow,dadkey ninkii xasuuqii,mila wedaayow,sirteey ninkii biyaaw,mlia wedaayow,codowkeey ninkii kalkaalow mila wedaayow,workuun heedshey woraa jiree ogaathaa mila wedaayow.

Comments are closed.