Barlamaanka Yirub oo u Codeeyey Iney Kenya Ka Taageeraan La Dagaalanka Alshabab

0
22

EuropBaarlamaanka midowga Yurub ayaa u codeeyay in midowga Yurub uu howlgal tababar siiyo ciidamada booliska dalka Kenya si ay kaga hortagaan weerarada Alshabaab ay ka geystaan dalka Kenya.

Howlgalkaasi waxaa ku jiro in ciidamada amaanka sidoo kale laga taageero dhanka agabkii ay shaqeyn lahaayeen ciidamada booliska dalka Kenya, si ay u adkeeyaan amaanka goobaha ay weeraraan Alshabaab.

Arintaan ayaa jawaab u noqoneysa weerarkii Alshabaab maanta oo kale 2 April ay ku qaadeen jaamacada magaalada Gaarisa oo ay ku dileen 148 ruux oo ay ku jiraan 142 arday ah.

Qoraalka baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay iney ka xumaadeen weerarkii qasaaraha badan dhaliiyay ee ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.