Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Jeneral Maxamed Sheekh Xamud oo Loo Magacaabey Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliyeed

1
18

xamudWasiirkii hore ee Gaashandhigga ee Dowlada Federalka Jeneraal Maxamed Sheekh Xaamuud ayaa goordhaw loo magacabay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Xaamuud oo mar madax ka soo noqday Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka markii dambena noqday Wasiirka Gaashandhigga ayaa maanta la horgeeyay fadhiga Golaha Wasiirada iyadoo dood dheer kadibna la meel mariyay.

Magacabista Gen. Maxamed Sheekh Xaamuud Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay ka dambeysay wadatashiyo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh, Gudoomiye Jawaari iyo Ra’iisal Wasaare Cumar Abdirashiid

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Mohamed sheik waa nin caykee ah,haloo magacaabo ma xumee taliyaha ciianka booliska,muxuu ku soo kor dhiyey mudadii uu masuulka ka ahaa gaashaan dhiga iyo nabadsugida dowlada somalia

Comments are closed.