Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Dalka TUrkiga Kala Qeyb Galey Xus Qarameed

0
19

xasanMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Istanbul madaxda caalamka qaarkood kala qeybgaley xuska sannadguuradii 100-aad ee ka soo wareegtey dagaalkii Turkiga waagii Boqortooyada Cusmaaniyiinta uu la galey quwadihii kasoo horjeeday dagaalkii 1aad ee Dunida.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa kulanka ka jeediyay khudbado la xiriira taariikhdii dagaalkii 1aad ee Dunida iyo sida caalamka looga dhalinlahaa nabad waarta.

Waxay madaxdu ka hadleen muhimadda adkeynta nabadgelyada caalamka, iyo in si wadajir ah loogu guntado in laga hortago colaadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii munaasabadda ay socotey kulamo kooban la yeeshay madaxda caalamka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.