Guuxa Dadweynaha”Eed la eedo Axmed Madoobe ma xalbaa ku jira?!”

1
51

asTalaabadan uu qaaday maamulka Axmed Madoobe ee uu ku soo dhisay waxa uu ugu yeeray Baarlamaanka Juba ayaa waxay u muuqataa”War la qabo xiiso maleh”.

Ma filaayo mana aanan filayn in maamulka Axmed Madoobe uu ixtiraami doono dadka mudan in lagu ixtiraamo dhulkooda ee reer Juba sababo badan oo aan wadanaqaano awgood oo ay ugu horeyso maamulka iyo madaxtinimada Axmed Madoobe iyo Beeshiisa duulaanka ahba.

Waan wada naqaanaa Axmed Madoobe iyo Beeshiisa halka ay kaga soo duuleen gobolada Juba,Cida ay u kaashadeen iyo weliba kuwa maanta ku naas nuujinaaya iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaa hadana jirta in duulaanka beesha Axmed Madoobe ay garab iyo Gaashaanba ka dhigatay kuwo masiirka ummadda kala weyn kursi ay maalmo ku fadhiyaan oo ay ugu horeeyaan Xasan Shiikh,Cabdiweli Gaas iyo Xasan Aadan(Shariif Sakiin).

Wadanka iyo Ummaddiisa waa ay jireen ka hor Hororotan maanta haysata waana ay sii jiridoonaan kadib Maamuladan hada jira ee Hororku horkacayaan,Waaya arag waqtigu ciilay xiligii xoriyad doonka Ereteriya ALLAH ha u naxariistee Axmed Saalax Al-Sabi ayaa waxaan ka maqlay isagoo Muqdisho ka khudbeeynaya xili aan qayb ka ahaa Ardaydii maalintaas la isugu keenay banaanbax fagaaraha Daljirka Dahsoon oo lagu diidanaa Isbahaysigii Xidigta Cas ee ladoonayay in Ereteriya lagu xalaashado ayaa waxaa uu yiri”Shacabku waa Dhul,Dowladuhuna waa Xaaqinka ee keebaa dhamaada?” waxaan wada dhahnay Xaaqinka marka runtii masiibadan ay mas’uuliyiinta maanta ummadda u wadaan sida Xaaqinkay dhamaan doontaaye horta”Waa la doogi-ye yaan la dacaroon”.

Axmed Madoobe iyo Beeshiisa sida beelaha kale ee Soomaaliyeed iyo Hogaamadooda maanta oo ay Xaqa u yaqaanaan inay iyaguna ka beel iyo hogaan ahaan ay u aqoodaan anigu ma qabo sabab diidaysa sidoo kalena kuwii ka horeeyay halkey mareen oo kale inay iyaguna ay marayaana mugdi igama saarna balse waxaa isweydiin mudan kol hadii koobigii shalay aan maanta wadadiisa ku sii socono waa yaabe maxaan ka baranay wixii ummaddu ku halaagsantay 25kii Sano ee lasoo dhaafay?

Dhab ahaan waa jawaab Runtii lagu soo koobi karo Waxba,Marka kol hadaynu waxba ka baran dhibtii dhacday,wixii sababay iyo halka ay salka ku hayso intaba sow xaalku ma ahan maanta Hada iyo Kow.

Nin dhaar dhaar dul dhigay ayaa yiri”Anigu ninkan Axmed Madoobe ah maba arkaba inuu xumaan sameeyay maxaa yeelay waxaan Anigu samayn lahaa unbuu sameeyay” waa uu sii watay oo yiri”Fiiri hadii aad inta lacag halkaan ka hesho oo aad Jeebka gashato nin aan meeshaba joogin kuu yimaada oo ku yiraahda lacagtaasi adaa leh kadibna kuu yimaada kii lahaa kuna yiraahdo waxoogaa iga sii lacagta anaa lahaaye…Sow dow ma ahan waxa aan siiyo inay ku qancaan?”Marka Axmed Madoobe hadii Shariif Sakiinkii dadkiisu lahaayeen dhulkan Juba uu kula heshiiyay inuu wax ka siiyo dhulkoodii,Xasan Shiikh oo aan waxba kaga maqnayn Jubana u camiray…Sow arin sax ah ma ahan talaabada uu qaaday Axmed Madoobe Hanbadiisa inay Calafsadaan labaduba miyay diidi karaan?ayuu warkiisii ku xiray.

Imisuu xaalkan sidaan ahaan doonaa oo dulmiga uu sidaan u sii socon doonaa dadkeyguna sidaan loo maaweelin doonaa ayuu af laba daan qaylo ku yiri nin u muuqday inuu u caraysan yahay madaxdii iyo halgamayaashii RRA-da kuwooda ilaa iyo maanta xilalka beenta ku dhisan sheeganaaya”Dhulkooday Doraat ku gorgortamayeen Shalayna waa kuwii gatay Maantana waad aragtaan oo waa isla ayagii oo ku dul tuugsanaaya dhulkooda”Bal ila fiiriya kuwan shalay dowlada Xamar iyagoo matalaaya(Xildhibaanada Digil iyo Mirifle) Lixdii gobol naga burburiyay Sedexna meesha keenay isla iyagii ayaa hadana maanta Riwaayad inoo dhigaayo oo leh dadka aan metelno(Digil iyo Mirifle) Xaqoodaa Axmed Madoobaa Boobay! Waa yaabe ma waanay iyagu ahayn kuwii burburiyay rabitaanka Shacabka KoonfurGalbeed una hogaamiyay ummadda inay ku dhacdo godkan mugdiga ah ee ay maanta ka dhexqaylinayso war may xishoodaan oo ay wax isku falaan ayuu ku koobay warkiisa.

Gabar socota ahayd oo hadalka socda lugta u reebtay dhegtana u raaricisaa tiri”Digil iyo Miriflow Doraad waad tala xumaydeen, Shalayna waad Dareen la’eydeen maantanaad ka daran tihiin ood faham xuntihiin bal waxoogaa isku noqdo oo dadnimo iska baarbaara” ayay warkeedii sii tuurada ahaa ku soo xirtay.

Nin dhalin yaro ahaa oo Runta loo sheegay ka goos qaniinaayaa yiri”Hortaa in dareer Owolbah Hingraablee haaytey”Gabar hadalkaas kolkii uu dhacayay si fiican dhegeheedu u soo jiiteen quusta loo gaystay magac haween awgii ayaa si halhaleel leh u tiri”Harti Owaady Hingraaba dhaant,May ing Owaadi oo Hingraabta afkah inki lalabty..Rag way inkasee kii walaasheey al in dhacaayne hoo la dhiyoona ha dhacsadaaw oo in owaadane” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Hadal iyo dhamaantii ummad xun ma jirto caalamkan maanta ilaa Hogaan xun sidaa oo ay tahay hadana Hogaan xun ma jiro ilaa Shacab xun ee Shacabyahow hurda inta aad sugaysaan hogaan xun inuu wax fiican idiin qabto oo aad ku naalootaan ogaada inayan dhacayn talana waxay ku biyo shubataa ummad yahay masiirkaagu waxa uu ku jiraa gacantaada ee u dhiibo kuwo Sharaftaada,Dadnimadaada iyo Diintaada kala weyn wax walba.

Si kastaba waxa maanta nahaysto waa wax hogaankii hore aan ka dhaxalnay,Balse isweydii muwaadinow maxaa dhaxal ah oo aad u reebi doontaa Jiilalka danbe ee soo socda?!.

Waxaa Qoray;Abdiaziz ShSalah.

Waa inoo Talaada danbe Idin ALLE.

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Masuuliyiinta koonfur galbeet :joojiya calaancalka,maxaa yeelay leysku heli maayo laba arimood 1-qur buuxsi,jeeb buuxsi.2-dhul iyo dad,siyaasiga wadaniga ah waxaa laga rabaa wax waliba in uu ka hormariyo wanaaga, sharafka,horumarka dalkiisa iyo dadkiisa”laxi shilalka ay is dhigtaa lagu qalaa”hamoodi arintu in ay sahlan tahay,ee ka quus qaata safarkii abdiweli ee kismaayo,gawaaridii laga soo rarey kismaayo ee hadda lagu far sameynaayo boosaaso”timir laf baa kujirta”oo aan u cuntami doonin masuuliyiinta koofur galbeed.

Comments are closed.