Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Bulshada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Shacabka Somaliyeed Ku Booriyey Joojinta Cunista Qaadka Ka Yimaada Kenya

0
33

tarsanGuddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir hadana ah Guddoomiyaha Xisbiga Cadalada Bulshada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney u istaagaan joojinta Qaadka Soomaaliya kaga yimaadaa Dalka Kenya.

Tarsan ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay mar welibo dhibaateyso Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dalkeeda isla markaana aysan u naxariisan.

Waxa uu xusay in Dowlada Kenya mar walbo oo ay dalkeeda Weeraraan Al Shabaab in jawaabta ay bixineyso ay noqoto dhibaateynta Soomaalida ku sugan Dalkeeda iyo hanjabaadyo ay u jeedineyso.

Si kastaba arintu ha ahaatee dhibaateyntooyinka ay kenya ku heyso shacabka somalaaiyeed ayaa ah mid ka dhaca dalka gudihiisa amaba gudaha dalka kenya taasoo xukuumada aysan awood u heyn in ay ka hadasho.