Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo Sheegey Ineysan Ciidamadooda kala Baxayn Dalka Somaliya

0
19

Former Kenyan Cabinet Minister Ruto stands inside his house after hearing the news from the International Criminal Court, in NairobiMadaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa sheegtay inaysan marnaba kala baxayn ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay Al-shabaab dhawaan ka dalbatay inay Kenya ciidamadeeda kala baxdo gudaha Somalia.

“Argagaxisadu waxay naga dalbadeen inaan ciidamadeenna kala baxno Somalia, si ay qayb dhulkeenna ka mid ah u qabsadaan; innagu waxaan u sheegaynaa inaanan ciidamadeenna la bixi doonin, waxaana sidoo kale la yaabannahay madaxda u hadlay sidii ay u hashahay argagaxisada oo kale,” ayuu yiri Ruto uu ku sugan deegaanka Kakamega ee galbeedka Kenya.

Ruto oo sii hadlayay ayaa wuxuu mar kale yiri. “Marna uma ogolaanayno in argagaxisadu ay xitaa taako ka mid ah dhulkeenna qabsato. Waxaana ugu baaqayaa shacabka Kenya inay qayb qaataan sugidda amniga.”

Ruto wuxuu hadalkiisa ku daray in shacabka Kenya ay isticmaalaan qalab walba oo ay soo celinta amniga guud ee Kenya uga qaybqaadan karaan. Isagoo xusay in xukuumaddu ay qalab iyo gaadiid ku bixinayso sidii loo sugia lahaa amniga guud ee Kenya.