Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliya oo Sheegey In Kenya Ay Somaliya Ka Bixi Doonoto 2017

0
82

arimaha dibadaXukuumada federalka somaliya ayaa markii ugu horeysey Dowladda shaacisay in laga yaabo in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka baxayaan Koonfurta Somalia sannadka 2017-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Hadliye Cumar oo isagoo ku sugan magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay in qorshaha ay ku baxayaan ciidamada AMISOM uu yahay mid salka ku haya heshiis uu horay u saxiixay ururka Midowga Afrika.

Hadliye ayaa sheegay in ciidanka Kenya tan iyo markii ay soo galeen gudaha Soomaaliya 2011-kii ay wadeen howlgallo ay dalka ku xasilinayaan, isagoo rajo ka muujiyay in labada sano ee soo socda ay ku filan tahay in dib loo dhiso ciidamada dowladda Somalia, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli ay mucaaradka Kenya codsanayaan in ciidamada Kenya laga soo saaro gudaha Somalia, iyagoo xusay in joogitaanka ciidamadooda gudaha Somalia u sabab u yihiin weerarrada ka dhacaya gudaha Kenya.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya aan loo arki karin kuwo qaab gumeysi ku jooga Somalia. Isagoo xusay inaysan Kenyaanka u haboonayn inay ku fikiraan in haddii ay ciidamadooda kala baxaan Somalia inay ka bad-baadi doonaan weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab.