Daawo Sawirada Qaxooti aad u Badan oo Kasoo Cararey Colaada Dalka Yeman oo soo Gaarey Magalada Boosaaso

0
23

barakac1Qaxootigii ugu badnaa oo kasoo carara dagaalada dalka Yemen ayaa shalay galab soo gaaray dekada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dadkan oo isugu jirey rag, dumar iyo carruur ayaa dhammaantood Soomaali ah, waxase ku jirey tobaneeyo qof oo muwalladiin ah kuwaasoo muuqaal ahaan Carab u eg.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay’adaha Bisha Cas iyo IOM.

barakac

barakac1

barakac2

barakac4

barakac5