Hey’ado Ka Howl gala Dalka Kenya oo Baaq usoo Jeediyey Xukuumada Kenya

0
29

PrintHay’ado caalami ah oo howlaha gar-gaarka ka shaqeeya ayaa maanta oo Jimco ah ugu baaqay dowladda Kenya inay fasaxdo xawaaladaha Somalia ee ay maalmo ka hor xayiraadda saartay, si xayiraaddan aysan saameyn ugu yeelan xaalada bani’aadamnimo ee ka jirta Soomaaliya.

Kenya ayaa Arbacadii lasoo dhaafay xayiraad kusoo rogtay 13 xawaaladood oo ka howl-gala Kenya iyo xisaabaadyada 86-qof oo Somali u badan, kuwaasoo ay ku eedeysay inay taageeraan Al-shabaabta Somalia oo weerar ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa Khamiistii toddobaadkii hore ku dishay 148-qof oo u badan ardaydii .

Hay’ado badan oo kuwa gargaarka ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ayay ku yaallaan xafiis-yadooda dalka Kenya, iyagoo sheegay in xayiraada lagu soo rogay ay wiiqi doonto shaqada ay ka hayaan gudaha Soomaaliya.