Reysulwasaare Cumar Cabdirashiid oo Kol Dhawyd Gaarey Magalada Garoowe

0
31

cumar cabdirashiidRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeeyay magaaladaas.

Wafdiga RW Cumar ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasiirka batroolka iyo macdanta, wasiirka xanaannada xoolaha, wasiirka dastuurka, wasiir-u-dowladaha gaashaandhigga, wasiiro ku xigeenno, xildhibaanno iyo la-taliyayaasha ka mid ah kuwa wasaaradaha dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Garowe waxay kulamo la qaadan doonaan hoggaanka Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaas, C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen ra’iisul wasaaraha DFS iyo madaxweynaha Puntland oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay yeelan doonaan kulamo looga hadlayo adkaynta xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah.