Dowlada Kenya oo Walaac Ka Muujisey Digniimaha Ay Reer Galbeedka Ujeedinayaan Muwaadiniintooda Iney ka Fogaadaan xeebaha kenya

1
33

kenyanDowalada Kenya aya sheegtay in ay kanaxday walaacna ay kamuujisay digniinaha isdaba jooga ee dhanka amaanka oo ay soosaarayaan wadamada reer Galbeedka ee ku aadan in Al-shabab ay damacsanyihiin in weeraro ay kageystaan dalkaasi Kenya.

Dowlada Briatin ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay ka fogaadaan gobolka xeebta ah ee dalkaasi iyadoo soo xiganeysa macluumaad muujinaya in Shababku ay damacsanyihiin weeraro ay kageystaan dalkaasi Kenya kuwaa oo 2-dii sano ee lasoo dhaafay Kenya kudilay in kabadan 200 oo ruux.

Joseph ayaa hadalkiisa kusii daray in xaalada amaan ee dalka Kenya ay tahay mid aad uwanaagsan sabab ay ugu wacantahay howlgalada amaan ee ciidamada Kenya ay sameenayaan.

Dowlada Australia ayaa maalintii Jimcada ahayd soo saartay digniin ku aadan macquul galka weeraro kadhaca caasimada Nairobi, iyadoo aan xusin cida lala xiriirinayo in weeraradaa ay qaadi karaan.

1 COMMENT

  1. Digniinta reer galbeedka:Waxaan u arkayaa arin siyaasdeed oo lagu majaxaabinaayo dhaqaalaha dalka kenya.

Comments are closed.