Madaxweyne xasan Sheekh oo Maalintii Sedexaad Wadahadalo Ka Wada Dhuusamareeb

0
33

dhusamarebMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli kulamo kula leh magaalada Dhuuso-mareeb ergooyinka ka qaybgalay shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Kulammadan oo socday maalintii saddexaad ayaan weli wax natiijo ah laga gaarin, inkastoo wararka saaka la helayo ay sheegayaan in laga yaabo in is-afgarad buuxa laga gaaro qodobo dhowr ah oo la isku hayo, kuwaasoo ay ugu weyn tahay halka shirka lagu qabanayo.

Xubnha shirka Dhuuso-mareeb ayaa weli ku adkeysanaya in shirka qaybtiisa labaad lagu qabto Dhuuso-mareeb, iyagoo sheegay in go’aankooda uu yahay mid ka tarjumaya rabi-taanka shacabka ku nool gobollada dhexe.

Murankan ayaa wuxuu keeney in si weyn loogu kala aragti duwanaado halka shirkaan lagu qabanayo, iyadoo madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud uu doonayo in sidii uu horay u iclaamiyay.