Wasiirka Gaanshaandhiga Dowlada Federalka oo maanta La Kulmey Saraakiil Ka Socota Midowga Yurub

1
31

jen-diiniWasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub, oo Dowladda Soomaaliya ka taageera dhinaca tababarka Ciidamadda tababarka iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka.

Wasiirka ayaa ka mahad celiyay taageerada Midowga Yurub mar walba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraakiishu ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

“Kulankani wuxuu ka tarjumayaa ahmiyadda ay leedahay in la hormariyo dhismaha Ciidanka qalabka sida. Midowga Yurub waa mid kamid ah saaxiibada Soomaaliya ee xili adag isu taagay in ay gacan qabtaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

Saraakiisha ka socotay Midowga Yurub ayaa ballan qaadan in ay kordhin doonaan tababarada ay siiyaan ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay gacan buuxda ka siin doonaan dowladda in ay helaan ciidamaddu agabkii ay ku howlgali lahaayeen.

1 COMMENT

  1. Ma weli europe damac adoonsi ayaa ku jira oo ka duwan midka hadda somaliya ay ku haayaan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Comments are closed.