Dhegeyso:- Alshabab iyo Ciidamada Dowlada oo Maanta Ku Dagaalamey Deegaanka Goof-Gaduud ee Gobolka Baay

0
45

baydhabooWararka ka imaanaya Degaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Saaka halkaa uu ka dhacay dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Guddoomiyaha Degaanka Goofgaduud Axmed Aadan Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda ,waxuuna tilmaamay in ay iska Caabiyeen.

Ilaa hada ma jirto Wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dagaalameyaasha Al-shabaab oo ku Aadan Dagaalka ka dhacay Degaanka Goofgaduud.

Gudomiayaha Goofgaduud

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Gudomiayaha Goofgaduud Mobil