Alshabab oo Maanta Xukun Dil ah Ku Fuliyey Wiil Dhalinyaro Ah

0
39

alshababUrurka Al Shabaab, ayaa waxay Galabtii Khamiista nin dhalinyaro ahaa ay ku toogteen Fagaare ku yaala deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Salaad Majin, ayay Shabaabku ku eedeeyen inuu wada shaqayn la lahaa Ciidanka Itoobiya, ee degan Magaalada Ceelbuur, qaybtana ka ah Xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM.

Gaadiid lagu soo xiray cod baahiye-yaal, ayaa dadka ugu yeeray inay isugu soo baxaan Fagaaraha Galhareeri, oo ay sheegeen in xukun qisaas ah uu ka dhici doono.

Qaadiga Maxkamadda Ururka Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay Cali Salaad Majin oo 20 sano jir ahaa, in uu ka shaqayn jiray dhibaateenta ummada Muslimiinta ah, sida uu yiri, iyadoo isla goobtii fagaaraha aheyd lagu toogtay ninkaasi.