Dhegayso..Kacdoonka Shabeelaha hoose kaweyn wax Saxaafad lagu caburiyo

7
88

beeraIyadoo ayan cidna daah ka saarnayn dhibta kooxaha duulaanku ay ku hayaan shacabka ku nool gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa hadana muuqanaya in dagaal saxaafadeed lala galayo dadka dadka Xaq u dirirka ah ee ku nool gobolka si loo aamusiyo loona duudsiiyo xuquuqdooda iyadoo loo marayo Saxaafada.
Dagaalkan Saxaafadeed oo u muuqda mid xowli ku socda ayaa waxaa udub dhexaad u ah kooxaha Duulaanka oo kaa shanaaya kooxo wax ma garato ah oo deegaanka.

Bal ila dhegayso sida ay u dhigayaan Saxaafada Dilkii xalay ka dhacay Beer aan ka fogayn degmada Qoryooleey oo uu milkiilihii sheegtay lahaanshaha lagu dhexdilay.

Ninkan la dilay oo lagu sheegay hogaamiye dhaqameed ayaa waxa uu ka mid ahaa jiilkii labaad ee Qoys reer Hiiraan ahaa oo kasoo jeeday beesha Xawaadle inta la ogyahayna waa uu hubaysnaa oo Beerta lagu dhexdilay waxaa taalay in ka badan 50 qori AK47 ahaa oo ay horey u sii qaateen kooxdii dishay.

Aan wada dhegaysanoUnknown Album

7 COMMENTS

  1. Digil iyo Mirifle waligoodba waa la xukumi jiray dhulkoodana waa loo xukumi jiray. caado qaatihii joogijiray ayaa wali joogo kuwa kalana Diinta ayaa ka hoogbadisay madama ay diinta ogoleen in wax la dilo madama aysan wax dili karin ayna diyaar u ahayn ha iska ahaadaan sidan ay yihiin ilaa Qiyaamaha, madama ninka uusan Digil iyo Mirifle midna ahayn

  2. Waxaan idinka codsayaa dhamaantiina;abukar awdhegle,abukar afgoye,abokar wanle,abukar marka,abokur qoyoley,abukar barawe,abokar kurtunwarey,abokar sablaale.in aad digniin kama danbeys ah siisaan caado qaatayaasha”aamus ama ku hadal danta dalka iyo dadka”saraan ula ulii me eh.

  3. sidii la rabay sidaan ayey aheyd wax badan waa lagu raaxeystay laakiin hada ka dib mamnuuc

  4. Waxaan rabaa in aan idin sheego,hadii aad tihiin shacbiga u dhashey koonfur somaaliya in ay dhamaatey”keyga anaa is kaleh kaagana kula lihi”ogaada in aad ka adag tihiin cadowgiina allah tala saarta,hala garab istaago kacdoonka gobolka shabeelaha hoose dheg ha udhigina barbagandada saxaafada+caada qaatayaasha u dhashey deegaanka,maxaa yeeley wey fashilmeen,kuwa u taagan halganka”waarimeysaan ee war haidinka haro”guuleysta horey u socda taariikhda ayaa idin xusi doonto nafta,maalka,aqoonta,aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina idin iloobi maayaan maalmo dhow waxay ku naalon doonaan xuriyadda aad gaarsiiseen,geedaha ayaa ilmeyn doona jariimada aad ka qaadeen,guul.

  5. Habiyoow raali ahaada runtaa timaaday.Digil oo kaci dantiina makasaayo dilkiinuu kasaa. Waanii tuugaa roora kilinka shanaad wax kadoonta manii kale walaahi hawdiina lakicinaa.kkkkkkk

  6. Guusha ugu danbeeysa kacdoonka ayaa leh Geeridana kuwa soo Duulay ayaa leh, intii Idinkoo ordaaya Dusha laidinka Toogan lahaa Idinkoo isdifaacaaya Dhinta Guul kacdoonka badbaadinta Gob.shehoose (LSSM) Lower shabeelle salvation Movement.

  7. Dr.Baab
    Waa dhab in guusha ugu danbayn ay leeyihiin kuwa dalkooda iyo dadkooda u istaagay una huray naftooda.
    Laakiin taageerada kuwa shaarka dhusuqa leh wata sida adiga oo kale ugama baahna dadka halganka u istaagay boogaadin iyo magac bixin midna.
    Tan kale ogow dad dhiigooda huray inayan u baahnayn Dulaal.
    Si kastaba waxaan leenahay Halgankan curdanka ah ha guulaysto hana ka guulaysto cadawga soo duulay iyo rajciyada gudaha.

Comments are closed.