Ururka Alshabab oo Gudoomiye Tuulo Ku Diley Gobolka Gado

1
59

geedoGuddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo  Bishaar Aadan Cabdikariin ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay dhowr qof ku dileen mid kamid ah tuulooyinka hoos taga ururkaas oo ku taalla gobolka Gedo.

Waxaa gudoomiyuhu uu sheegay in dagaal-yahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay hal mar tacshiirad ku fureen qoys dhan ,taasi oo sababtay dhimashada dhowr ruux iyo dhaawaca seddex qof  oo kale oo ay caruuri ku jireen.

Bashiir Aadan ayaa xusay in dadka dhaawaca ah la soo gaarsiiyay degmada Luuq ,isla markaana xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitalka guud ee degmada ,waxaana uu  tilmaamay  in maamulka uu u gurmaday dadka ay dhibaatadu gaartay.

Ugu danbayn ,ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in loo diray tuulada ay toogashadu ka dhacday ,waxaana lagu soo waramayaa in howl-galada socda lagu baadi-goobayo kooxihii falkan ka danbeeyay.

1 COMMENT

  1. Marka hore inta dhimatey allah ha u naxriisto,marka labaad alshabaab waxaan idin leeyahay malihidiin kujeedo iyo kajeedo midna,waxaa tihiin calooshii la ciyaar,ka daaya dilka iyo argagaha,dadka muslimiinta ah,beeraleyda saboolka ah”cidda idin soo dirtey sidaan dhul ku yeelan meyso”

Comments are closed.