Ciidamada Kenya oo Xaqiijiyey In La Diley Sarkaal Ka Tirsan Alshabab oo Lagu magacabo Adan Garaar

0
37

kenyanSaraakiil ciidan oo Kenyan ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn shalay galinkii dambe ka dhacay gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya inay fuliyeen diyaaradaha meelaha fog fog la hago ee Maraykanku leeyahay waxaana duqeyntaasi lagu dilay sargaal ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab kas oo lagu magacaabo jiray Aadan Garaar.

Saraakiishaan Kenyanka ah ayaa sheegay in Aadan Garaar oo saraakiisha sar sare ee Shabab ka tirsanaa lagu dilay tuulo u dhaw degmada Baardheere kadib markii diyaarad Maraykanku leeyahay ay duqeysay gaari uu saarnaa.

Dawlada Kenya Aadan Garaar waxay ku eedeysay inuu wax ka abaabulay weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013 kaasoo galaaftay nolosha ku dhawaad 100 ruux haddana uu sidoo kale maleegayay weeraro lagu qaado magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Kampala ee dalalka Kenya iyo Uganda.

Sidoo kale warbaahinta Maraykanka ayaa qoraya in saaakiil Maraykan ah ay u xaqiijiyeen in iyagu ay sargaalkaasi duqeyn ku dileen laakiin faafaafin badan ma aysan bixin.