Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Masar

0
32

xasan sheekhMadaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed looga hadli doono horumarinta dhaqaalaha Masar.

Shir madaxeedkan ayaa la filaya inay ka soo qeybgalaan madaxda waddamada dunida qaarkood, shirkadaha caalamiga ee ganacsiga iyo maalgashiga , ururro caalami ah iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu joogo Masar inuu kulamo la qaato madaxda dalalka ka qeybgalaya shirkan, madaxda shirkadaha ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale oo daneynaya inay Soomaaliya maalgashi ku sameeyaan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sharm El-Sheikh si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mudane Ibrahim Mehleb, saraakiil sare iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira.