Faafhfaahin Dheeri ah oo Kasoo Baxeysa Weerarkii Maanta Ka Dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Magalada Baydhaba

0
25

baydhabooWeerarkan ayaa socday ku dhawaad saacad ah ayaa ugu dambeyntii Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysteen inay soo afjaraan weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa oo Al-Shabaab ku qaaday xarunta Madaxtooyada koonfur galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Weerarka ayaa markii hore ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku qarxay agagaarka Madaxtooyada Baydhabo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ragga weerarka soo qaaday ay ahaayan ilaa 3 ruux isla markaana dhamaantood ku dhinteen weerarkaas.

Saddexda nin ee weerarka soo qaaday ayaa waxay ahaayan kuwa aad u hubeysanaa, waxayna dagaal adag la galeen ciidamada ilaalada ka ahaa xarunta madaxtooyada ilaa iyo intii gurmad adag ka soo gaarayay ilaalada madaxtooyada aad ayay u dagaalamayan.

Shariif Xasan oo ku sugnaa xarunta weerarka lagu soo qaadey ayaa warbaahinta  u sheegay inuu bad qabo oo wax dhibaato ah soo gaarin, isla markaana weerarkaani uusan wax baqdin ah ku beeri doonin.