Shariif xasan oo lagula Cararey Taangiga Amison Si Looga Badbaadiyo Weerarkii Ay Maanta Alshabab Kusoo Qaadey xarunta Madaxtooyada Ee Baydhabo

0
32

shariif-xasanWarar goordhow aynu ka helney Magaalada Baydhaba ayaa inoo xaqiijiyey in uu fara cidi leh ku baxsaday Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka bad-baaday isku day dil oo ay ku doonayeen in Al-Shabaab ay ku khaarajiyaan.

Weerarka oo ay geysteen ciidamo soo xirtay dharka ciidanka ayaa gudaha ugalay Madaxtooyada iyadoo kadibna ay iska cabin kala kulmeen ciidamo AMISOM oo ilaalo ka ahaa Xarunta hoyga u ah Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa loola cararay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba si hadii xaalada ay u xumaato Muqdisho loogu duuliyo.

Weeraradan ay alshabab kusoo qaadayaan magalada baydhaba ayaa bilowdey kadib kolkii shariif xasan maamul uu asaga hogaamiye u yahay ka dhistey mana aha kii ugu horeerey oo ay alshabab kusoo qaado magalada baydhabo.