Prof Maxamed Cumar Dalxa oo Sheegey In Lacagaha Loogu Yabooho Somaliya Ay Ka Faideystaan Dowlado Kale

0
35

dalxaXildhibaan, Prof. Maxamed Cumr Dalxa oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Somalia ahna gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay jiraan dalal si gaar ah uga faa’iideystay lacago Jaamacadda carabta ugu yaboohday Somalia kaddib markii la waayay xukuumad daba-gasha lacagahaas.

Prof. Dalxa ayaa soo hadal-qaaday sababaha keenay lacago Somalia loogu yaboohay oo aan la bixin illaa iyo xilligan, isagoo sheegay in xukuumadihii soo maray Somalia aysan illaa hadda wax daba-gal ah ku sameyn lacagta Soomaaliya loogu deeqay ee la leexsaday.

Xildhibaanka oo la weydiiyay dowladaha ka faa’ideystay dhaqaalihii Soomaaliya loogu yaboohay ayuu sheegay inay ka mid tahay dowladda Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Prof. Dalxa ayaa hadalkiisa ku daray inaysan jirin wasaarado si toos ah u daba-gala dhaqaalaha loogu yabooha Somalia, xilli Jaamacadda Carabta lacago badan ay Soomaaliya ugu yaboohday.