Howgalo lagu Sugaayo Amaanka oo Muqdisho Ka BIlowdey

0
25

barisWasaarada amniga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in heegan buux la geliyay Ciidamada amaanka,xilli cabsi laga muujiyay in weerar mar kale ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa warbaahinta Dowlada u sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada ammaanka, kadib markii sida uu sheegay ay heleen xog ku saabsan Kooxda Shabaab oo qorsheynaya falal argagixiso oo ay ku fuliyaan Muqdisho.

Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in marka laga soo tago heeganka ay dhinaca kale ciidamadu howlgallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amniga ka wadaan dhamaan xaafadaha iyo isgoysyada magaalada Muqdisho.

Ciidamada ka tirsan Dowlada oo afka u duuban yahay ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu arkayay wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalo Muqdisho iyagoo dadka iyo gawaarida mid mid u baaraya.