War Deg Deg Ah:- Dhegeyso:-Maxamuud Sayid Aden oo sheegay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed ee 6da Gobol

8
20

Maxamuud-SayidMaxamuud Sayid Aden oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Maamulkii K/Galbeed oo uu madaxda ka ahaa Madoobe Nuunow ayaa shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtey degmada Garbahaarey waxuu daboolka uu kaga qaadey inuu yahay Madaxweynaha KMG ee Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.

Hadalka Maxamuud Sayid Aden ayaa waxaa uu ka dambeeyey ka dib markii Madoobe Nuunow maalinamadii shaley wareegto ka soo baxdey Xafiiska shariif Xasan loogu magacaabey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Maamulka K/Galbeed ee ka kooban 3 Gobol.

“Mowqifkeena wuu cad yahay Mar haddii madaxweynaha uu is casilosida ku cad Dastuurka Maamulka K/Galbeed ee Lixda Gobol waxaa kaalinta buuxinaya Madaxweyne ku xigeenka,maamulkana waxaa mudadiisu ay ahayd 5 sanno,hal sanno ayaa noo dhamaatey,waxaana cadeynayaa in waxi maanta ka bilaabma in aan ahay Madaxweynaha K/Galbeed,xubanahana baneeyeyna xilalkana dib ayaan ka soo magacaabi doonaa ayuu yiri Maxamuud Sayid Aden.

Hadalka ka soo yeeray Maxamuud Sayid Aden ayaa u muuqanaya rajadii ugu dambeysay ee sheegashada Maamulkii K/Galbeed ee lixda Gobol,mar haddii madaxweynahii maamulkaasi uu meesha ka baxay,lama oga waxa uu soo kordhin doona Hadalka Maxamuud Sayid Aden.

maxamuud sayid

 

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

 

maxamuud sayid mobil

8 COMMENTS

  1. WAA JARAN JARO UU KU DOONAAYO INUU KU FUULO MANSAB SIYAASADEED SIDA KUWII KALEBA AAY YEELEEN.

    LAMA YAABAAYO ANIGA, XAQNA WUU U LEEYAHAY.

  2. Mohmoud sayid adan, rageeedi adiga ah madaxweyneha K GALBEED ahna madaxweynaheena mustaqbalka inshalah. wedaayow guuleyso

  3. KKKKKKKKKKKKKKKKK Wale waxa so socda iyo webiga yaa weyn Mohamud Sayid inu ka hadlo 6Gobol goorma ugu dambeysey ?

  4. ISLAANTOO AA ILMO GOOS NOQOTY, WAXAY U YEERTAY WADAAD SI UU UGU DUCEEYO OO ILMO U DHASHO.
    WADAADKII HABARTII MARKII U UMAADAY, WAJIGEEDA ARKAY UU WUXUU YIRI ISAGOO YAABAN,´WIIL FUD, GABAR FUD, MAANA TAAWIYAAWE EBEHEEY KIIN AQBALE´. HAADA SHEEKADA SAYIDKA SAAS LEE WAAYE!

  5. ninka wato magaca saleebaan shariif waxaan kuu sheegaayaa nin walboo 6gobol madaxweyne u noqdo waa muqadas qabiilkuu doono haka dhasho waana la taageeraayaa lex gobol waxaan aheyn ma dhismi doonto ogow dadka reer south west midnimadooda waa 6 gobol qolo yar oo ducufa ah ma guuleysandoonaan ha moodin dad aad u tura yar fikirkooda in uu shaqeyn doono

Comments are closed.