Wasiirka Difaaca Dowlada Federlaka oo Maanta Booqdey Ciidamo Ku Sugan Degmada Guuraceel

0
40

diiniWasiirka difaaca Somalia dowlada federlaka somaliya , Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal ku joogay degmada Guri-ceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa saaka booqasho ku tagay dugsiga tababarka Har-qaboobe ee qaybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kulammo la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka, isla markaana dar-daaran u jeediyay ciidamaddii halkaasi ku sugan.

Jen. Diini ayaa ugu horreyn kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ee qeybta 21-aad, isagoo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa colaadihii dhawaan ka dhacay deegaanka, ayna dadka degmada ka qaxay dib loogu soo celin lahaa, waxayna ballan-qaadeen inay ka go’an tahay dhinacooda in xal loo helo dhibaatada.

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xogga dalka ee deegaankaas ku sugan, Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay mar walba inay u taagan yihiin soo celinta sharafta iyo haybadda Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin dhinacooda wax walba oo xal loogu heli karo dhibaatooyinka deegaanka ka taagan.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa yiri; “Waa inaad illaalisaan nafta sharafka iyo hantida ummadda, kana difaacdaan dalka cadowga, uuna ugu horreeyo cadowga Al-shabaab oo aad muujisaan isku duubni iyo waddaninimo.”