Dhegayso..Shirkii Midnimo2 oo Maanta ka furmey degmada Garbahaarey,xilli shir kalena uu ka socdo Degmada Dolow

0
50
garbahaareeyMagaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa si rasmi ah uga furmay Shirweyne loogu magac darey Midnimo 2 ,kaasi oo qaban qaabadiisu mudooyinkanba ay ka socotey Magaalada Garbahaarey,iyadoo shirkaasi oo uu furey Gudoomiyaha Gobolka Gedo maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa ka qeyb galey ergooyin ka badan ilaa 100 xubnood oo isugu jira Siyaasiyiin,Odoyaal,Haween iyo waxgarad kale gedisan.
Cabdirashiid Colow oo ah Afhayeenka shirka Midnimo2 ee ka furmay Garbahaarey oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay ujeedada shirkani in ay tahay sidii looga wada hadli lahaa caqabadaha ka taagan Gobolada Jubbooyinka iyo sidii loo heli lahaa Midnimada Beesha SADE,si looga gudbo kala qeyb sananta u dhaxeysa beesha dhexdeeda,tan iyo intii maamulka loo sameeyey Kismaayo oo dhibaatooyin badan lagala kulmay.
Mar la weydiiyay shirka ka soconaya Magaalada Dolow oo ay xilligan ku sugan yahiin qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka iyo waxgarad kale ayuu sheegay shirkaasi inuusan maslaxad u ahayn Beesha,isagoona cida Shirkaasi wadana ku micneeyey dad qeyb ka ah dhibaatooyinka ka taagan kismaayo,kuwaasi oo uu sheegay xilligan in ay ku mashquul san yihiin xulista Xubnaha Gobolka Gedo uga mid noqonaya Baarlamaanka KMG ee Jubba,taasina ma ahan ayuu yiri mid shaqeyn doonta.
Shirkan ka furmay Garbahaarey ayaa waxuu ku soo aadayaa xilli Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo iyo waxgarad kale ay si weyn isugu khilaafsan yahiin labada shir ee ka kala soconaya Dolow iyo Garbahaarey,iyadoo dhinac welibana uu sheeganayo inuu isaga mas,uul uu ka yahay Qadiyada Beesha iyo maseyrka siyaasadeed,lamana oga natiijooyinka ka soo bixi doona labadan shir.