Madaxweynaha Dowlada Federalka iyo Madaxweynaha Jabuuti oo Maanta Booqdey magaalada Baladweyne

0
40

geeleMadaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo madaxweynahyaasha si weyn loogu soo dhaweeyay.

Labada madaxweyne ayaa waxaa la socday wafdi wasiirro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo wasiirka Amniga Gudha C/risaaq Cumar Maxamed.

Xasan Sheeh iyo Geelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada ku sugan gobolka Hiiraan, sida kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynayaasha iyo wafdigiisa ayaa la geeyay taliska ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan oo ku yaalla duleedka waqooyi ee Baladweyne, halkaasoo ay kula shirayaan saraa-kiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu tago magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan tan iyo markii ciidanka ka socda dalkiisa ee qaybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afirka ee AMISOM ay ka billaabeen gobolkaas howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab.