Maanta oo Muqdisho Looga Dabaal Degey Horumarinta Af Somaliga Maxaaga

1
26

xasanMaalinta Afka Maxaa ayaa maanta laga xusay Magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saaray muhiimada Afka somaliga ee Maxaaga.

Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo bulshada ee UNESCO ayaa sanadkii 1990-kii u asteesay in sanad kasta maanta oo kale la xuso maalinta Afka somaliga ee Maxaaga.

Xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlada Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wasiirro ka tirsan labada dowlad, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale ayaa looga hadlay muhiimadda uu leeyahay Afka Maxaaga.

Munaasabadan maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee looga hadlayay Afka Maxaaga ayaa kusoo beegmaysa xili uu Afka Maay-na uu sii dhimanayo, taasoo sabab u ah xaqiraada kaga timid masuuliyiinta somaliyeed oo go,aan ku gaarey in aan la qorin.

1 COMMENT

Comments are closed.