Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya Xasan Sheekh oo Dalka Dib ugu soo Laabtey

0
46

xasan-sheekhMadaxweynaha Dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtey, kadib markii uu dalka Jarmalka u tagay baaris dhanka caafimaadkiisa ku saabsan.

Xasan Sheekh oo ay la socdeen xubno kooban oo dowladda ka tirsan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia oo xilka sii haya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda ayaa kaga hortagay madaxweynaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa dalka Jarmalka u tagay baaritaan caafimaad sida uu u sheegay warbaahinta, balse wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyay socdaakiisii caafimaad ma jirto.