Qurbo Joogta Koonfur Galbeed oo ugu Hambalyeey wasiirada Caafimaadka Jagadan Loo Magacaabey

2
24

wasiirka wasarada cafimaadkaQurbo joogta koonfur galbeed ee waqooyiga america ayaa waxaa ay halkan hambalyo uga dirayaan wasiirada cafimaadka Hawa Hassan Mohamed oo kol dhaweyd loo magacaabey in ay noqoto wasiirada caafimaadka.

Qurbo joogta koonfur galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in wasiirada cusub ay tahay qof howl kar ah shaqooyin badana oo wax ku ool ahna usoo qabatey shacabka somaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Haawa ayaa waxbarashadeeda heerka jaamacadeed kusoo qaadatey dalka ingiriiska gaar ahaan magalada london ayadoo cilmiga Sociology ka qaadatey Metropolitan University waxaa kaloo ay wax ka baratey Birkbeck University ee magalada london.

Haawo waxaa ay ku hadashaa Ingriiska,Talyaniga iyo Somali ( Maay iyo Maxaa ).

waxaan u rajeeynayan inuu Eebe u fududeeyo howsha adag ee loo dhiibay waaana ugu hablayeenaynaa Annagoo ku hadlaynaa magaca Qurbo joogta koonfur galbeed

2 COMMENTS

  1. Waxaan hambaliyo udirayaa walaasheeyda xaawo waxaan leyahay dadka aad kasoo jeedid ee digil iyo mirife waxay kaasugayaan waxqabad muuqda oo la arkikaro

Comments are closed.