Dhegayso…Shirar iska soo horjeeda oo ka kala socda Garbahaarey iyo DoolowBaay

0
36
wrQaban qaabada shirarka iska soo horjeeda ayaa maalmahan waxay ka kala soconayaan Magaalooyinka Garbahaarey iyo Dolowbaay ee Gobolka Gedo,iyadoo maalmahii ugu dambeeyeyna degmooyinkaasi ay kala gaareen Wafuud balaaran oo kasoo jeeda Beesha Mariixaan.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan DoolowBaay ayaawaxay qayb ka yihiin koox qabanqaabo ugu jira qabsoomida shirka dhaca degmada DooloowBaay  oo looga hadlayo soo xulista xubnaha gobolka Gado ku matalidoona baarlammaanka maamulka Axmed Madoobe  ee Jubba, sida uu Wadajir u sheegay Xasan dheere oo ah Wasiirka Caafimaadka ee maamulka Axmed Madoobe ee Jubba.
Dhinaca kalena Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa ku qul qulaya Ugaasyo,Siyaasiyiin,Waxgarad iyo Odoyaal ,kuwaasi oo dadaal ugu jira qabsoomida Shirka Midnimo 2 oo horey loogu balamay,