Dhegayso…Odayaasha Garbahaarey oo Hay’adaha samafalka kala hadlay sidii loo xakameyn lahaa Abaaraha iyo Biyo yarida gobolka Gedo

0
45
ceelbiyoodIyadoo deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo dadka ku dhaqan ay ka cabanayaan Abaaro soo noqnoqda iyo biyo yari oo saameyn ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada ayaa waxaa magaalada Garbahaarey lagu qabtey kulan balaaran oo looga arin sanayey sida wax looga qaban karo dhibaatooyinkaasi.
Odoyaal,Waxgarad,howlwadeeno gacanta ku haya Ceelasha Biyaha iyo saraakiil ka tirsan Hay,adda Samafalka NCA ayaa maalmahii ugu dambeeyey waxay ka wada hadlayeen sida loo xakamayn karo abaaraha soo noqnoqda ee ka taagan Gobolka Gedo iyo xaaladaha biyo yarida,iyadoo kulankaasina ay ka soo baxeen Qodobo lagu heshiiyey oo loogu diyaar garoowayo xaaladahaasi.
Cabdulqaadir Sh.Cilmi oo ka mid ah Howl wadeenada Hay,adda NCA ee Gobolka Gedo ayaa Wadajir u sheegay kulankan wada tashiga ah ee soconayey muddo 7 maalin ah in ay ka soo qeyb galeen ilaa 25 ruux oo ka kala socdey Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Garbahaarey iyo Qaar ka mid ah Tuullooyinka hoos yimaada,isagoona ujeedada kulankan ku sheegay u diyaar garowga Abaaraha,ka hortegida masiibooyinka iyo sida looga faa,ideysan karo kheyraadka Biyaha,maadama Xilligan Ceel biyoodyo badan oo ku yaala Tuullooyinka Gobolka lagu sameeyey dayactir.
Si kastaba ha ahaatee kulankani wadatashiga ah ee ka dhacay Magaalada Garbahaarey ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee looga wada hadlo sida loo xakameyn karo abaaraha iyo biyo la,aanta oo saameyn xaga nolosha ah ku leh kumanaan Qoys oo isugu jira Xoolo dhaqato iyo Beeraley.