Dowlada Kenya oo Dul Dhigtey 48 Kun oo Dollar Laba Nin Alshabab Ah

0
69

kenyanSaraakiisha booliska dalka Kenya ayaa lacag dhan 5 million oo lacagta Kenya ah dul dhigay 2 hogaamiye oo sar sare oo ka tirsan saraakiisha Xarakadda Al-Shabab oo dalka Kenya u dhashay.

Afhayeenka booliska Kenya Masoud Mwinyi ayaa u sheegay wakaaladda wararka Andalia ee dalka Turkiga inay siinayaan lacag dhan 5 million oo lacagta Kenya ah una dhuganta 48,000 oo Dollarka Maraykanka ah cid kasta oo keenta xog horseedi karta in lasoo xiro labo hogaamiye oo Al-Shabab ka tirsan kuwaasoo uu magacyadooda ku kala sheegay Max’ed Max’ud oo Dulyadeyn loo yaqaan iyo Axmed Iimaan oo Abu Zanira loo yaqaan.

Labadaan hogaamiye ayaa dawlada Kenya ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin weerarada Al-Shabab dalkaasi sida joogtada ah uga geystaan.

Booliska Kenya waxay aaminsan yihiin in Max’ed Dulyadeyn nin la yiraahdo inuu maamul dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsan oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka waxaana uu kasoo jeedaa oo uu ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka NFD.