Ciidamo Dheeri Ah oo Ka Socda Dalka Jabuuti oo Maanta Gaarey Gobolka Hiiraan

0
27

jabutiQeybtii labaad ee Cidamo ka socota dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ay maanta soo gaareen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Ciidamadan ayaa loogu magac daray Hiilka labaad oo qeyb ka ah Ciidamada Hiil walaal oo ku sugan gobolka Hiiraan.

Munaasabad loo qabtay Ciidamada cusub oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 4 aad ee Ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale, waxaana mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadashay ay sheegeen in ciidanka uu qeyb ka yahay ciidamada ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Korneel Cismaan Dubad oo ah Taliyaha Ciidamada Hiil ee ka socoda dalka Jabuuti isla markaana qeybta ka ah howlagalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in ciidamadan ay Al-shabaab ka saari doonaan dhammaan deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan ee gudaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu dowladda Jabuuti ugu mahadceliyay sida ay shacabka Soomaaliyeed u garab taagan yihiin isagoo sidoo kale sheegay in shacaka ku nool gobolka Hiiraan ay la shaqeyn doonaan Ciidamada Hiil Walaal oo ka socoda dalka Jabuuti.