Dagaal dib uga Qarxay Degmada Guuraceel ee Gobolka Galgaduud

0
61

dagalDegmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud waxaa saacadihii hore ee maanta dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaliya iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo labo cisho ka hor la wareegan gacan ku heynta degmada.

Waxaa la maqlayaa dhawaqa hub culus oo ay dhinacyadu is-dhaafsanayaan, illaa iyo haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallka, madaama uu wali soconayo.

Shacabka ku dhaqan degmada oo labadii cisho ee la soo dhaafnayba siweyn ugu dhag-taagayay waxa ka soo bixi kara abaabulka dagaal ee labada dhinac, ayaa la sheegay in ay ka qaxeen xaafadaha lagu dagaallamayo.

Ciidamada dowlada oo halkaasi duulaan ku qaadey ayaa iska caabin xoogan kaa kulmey ciidanka Ahlu Sunna ee ku sugan Magaalada Guriceel.