Nin Somali Ah oo 3 Ruux oo Somali Ah Ku Diley Maqaayad Ku Taala Magalada Cape-Town

0
32

bistooloRuux Soomaali ah ayaa ku toogtay saddex qof oo Soomaali ah maqaayad ku taalla deegaanka Mitchell Plain oo ka tirsan magaalada Cape-town ee dalka Koofur Afrika, iyadoo ruuxa dilka geystay la sheegay inuu ku hubeysnaa bastoolado.

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa goobta soo garay, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo muwaadin Soomaaliyeed uu ka geysto dalkaas tan iyo markii ay Soomaalidu dalkaas magan-galyada u tageen.

Soomaalida ku nool deegaankaas ayaa sheegay in ruuxa dilka geystay uu ka mid ahaa Soomaalida ku xiran masaajidda magaaladaas, isla markaana uu ahaa nin cibaado badan.

Saddex Soomaalida ah ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, C/wahaab Nus-liiro, Cabdi Madoobe iyo Maxamed Xasan maxamed, kuwaasoo maanta la aasi doono sida ay sheegeen Soomaalida deegaankaas ku nool.

Ciidanka booliiska South Afrika ayaa ku howlan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ruuxa Soomaaliga ah ee dilka geystay, si dhab ahna looma oga sababta ku kalliftay inuu toogashadan geysto.