Dab Qasaaro Badan Geystey oo Ka Dhacay Suuqa Magalada Jowhar

0
40

jowharSuuqa shidaalka ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ka kacay maanta dab khasaare geystay hantiyeed geystay, iyadoo lagu guuleystay in la damiyo, kaddib markii shacabka degmada iyo maamulka ay iska kaashadeen daminta dabkaas.

Dabkan oo socday ugu yaraan saddex saacadood oo xiriir ah ayaa ka kacay konteenarro shidaalka lagu iibiyo, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay in dabkaas uu kaco.

Balse, wararka qaarkood ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay fuusto mid ka mid ah konteerrada oo qarax sameysay, taasoo sababtay in shidaal badan uu mar ololo.

Gaadiidka dab-damiska ah ayaa ka qaybgalay daminta dabkan, kuwaasoo ay leeyihiin maamulka gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo khasaaraha dabkan uu aad uga yar-yahay dab noocan oo kale ah oo bishii Oktoobar ee 2014-kii ka kacay isla suuqan.